Puntland oo xukuno ku ridday dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamadda iyo Dambiyadda Culus ee gobolada Nugaal iyo Sool ee Puntland ayaa Axada maanta ah waxay xukuntay saddex ku eedeysanaa in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim [Cabdikaafi], 18-jir, iyo Xasan Uulow Ibraahim [Camaar], 19-jir, ayaa lagu wada xukumay xabsi daa'in.

Maxamed Ibraahim Isxaaq [Osaama], 16-jir, ayaa loo gacan-geliyey Wasaarada Cadaaladda iyo Dhaqan-celinta "maadaama uusan gaarin da'diida lagu xukumi lahaa," sidda sheegay gudoomiyaha maxkamadda.

Cabdiraxmaan Ciise Xuseen, gudoomiyaha Maxkamadda oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa shaaca ka dhigay in saddexdooda ay qirteen dambiga lagu soo oogay iyo in ay xubin ka ahaayeen kooxda argagixisada ah.

Dhame Saciid Xirsi Ibraahim, xeer-ilaaliyaha Maxkamada oo fadhi goobjoog ka ahaa, ayaa wuxuu doonayey in saddexdooda garka loo wada geliyey xukun dil toogasho ah "maadaama iyagoo dagaalamaya la qabtay".

Sidda uu wariyey telefishinka ku hadla afka dowladda Puntland, saddexdooda ayaa degaanka Bali-qadar ee gobolka Bari waxaa laga soo qabtay 21-ka bishii August ka gedaal markii ay weerareen ciidamadda amniga.

Sidda ku xusan warbixinta, xilli lagu soo tababaray koonfurta Soomaaliya, waxaa loosoo safriyey si ay ula dagaalamaan horumarka Puntland.

Bishii hore ee September, 26-keeda ayay ahayd markii Maxkamadda Ciidamada gobolka Bari ay xukuntay shan ku eedeysanaa argagixisanimo.

Al-Shabaab iyo Daacish ayaa si dhuumaaleysi ah uga howlgala Buuraleyda Golis ee gobolka Bari. Ciidamada difaaca Puntland iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa waxay iska kaashadaan sidii loosoo afjari lahaa joogitaankoodda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM