Shuruudaha murashaxiinta xilka afhayeenka baarlamaanka Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga qaban-qaabadda doorashada baarlamaanka Puntland ayaa si rasmi ah wuxuu u soo bandhigay habraaca coddeynta.

War qoraal ah oo guddigu soo saarey ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay shuruudaha oo ay kamid tahay codsi qoraal ah, sooyaalkooda iyo sawirro.

Guddiga ayaa tilmaamay in musharrax kasta laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashadda.

Murashaxii saxiixi waaya ayay tibaaxeen in loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay baratanka loogu jiro jagadaan muhiimka ah.

Doorashadda gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa waxaa lagu wadaa in ay qabsoonto 14-ka bishaan November sanadka 2019-ka.

Afhayeenka cusub ayaa wuxuu bedeli doonaa Cabdixakiim Dhoobo Daareed, kaasoo kalsoonida kala noqdeen mudaneyaasha.

Diiwaan-gelinta musharrixiinta, ayaa ka bilaabanaysa maalinta berriya oo ku beegan 10-ka bishan November, sidda laga soo xigtay qoraalka.

Sidda ku cad bayaanka, diiwaan-gelinta ayaa socon doonta mudda saddex maalmood ah oo ku eg 13-ka bisha oo ku beegan maalinta Arbacada ah.

HOOS KA DAALACO HABRAACA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM