Aabe 80-Jir ah oo wiilkiisa baahiyaha gaarka qaba ku toogtay Magaalada Muqdisho

Image
Dilkaan argagaxa leh ayaa xalay ka dhacay degamada Kaaraan.

Muqdisho, Soomaaliya - Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in aabe da’diisa lagu qiyaasay 80 sano jir uu wiil uu dhalay ku dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Illo xog ogaal ah ayaa sheegay in ilmaha dhintay oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Khadar Tobac, kaasoo baahiyo gaar ah qabay, la dilay kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo aabihiis.

Aabaha ayaa la sheegay in wiilka uu qoray uga toogtay qeybaha sare ee jirkiisa, kadibna uu goobta ka baxsaday, iyadoo ciidamada ammaanka dalka ay wali baadi goobayaan.

Dilkaan argagaxa leh ayaa xalay ka dhacay degamada Kaaraan, xilli lagu guda jiray Salaadii Maqrib, oo ay dadka intooda badan Afurayeen maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka waxaa kusoo badanayay dilalka ka dhaca gudaha qoyska, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM