Aadan Madoobe iyo Axmed Madoobe oo wadahadalo ku yeeshay Muqdisho

Image
Kulankan ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweynaha Jubaland uu Muqdisho kula kulmay safiirada Imaaraadka iyo Sacuudiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa hoygiisa kulan kula qaatey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Jubbaland, la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qaar kamida gobolada dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa kula dardaaramay Madaxweynaha Jubbaland in dadka ku dhaqan goobaha laga cabsi qabo la gaarsiiyo digniino, isla-markaana xaaladooda laga warhaayo.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federalka Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay).

Wadahadalada labada mas'uul ayaa yimid maalmo kadib markii madaxweynaha Jubaland uu Muqdisho kula kulmay safiirada Imaaraadka iyo Sacuudiga. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM