Aadan Madoobe oo qaabilay madaxa Midowga Culimadda Islaamka

Image
Dr. Ali Muhidin Al-Qardai ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Talaadada maanta ah waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Ali Muhidin Al-Qardai oo ah Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulankan ka dhacay xarunta Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka waxaa ku welinayay Xildhibaano.

Dr. Ali waxaa la socday Agaasimaha Xafiiska Hay’adda Qatar Al Kheyriyah ee Soomaaliya Cabdifataax Aadan Macalin iyo Shuceyb Cabdiladiif oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Zamzam ee Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka ayaa ugu horeyn waxa uu si diiran kaga mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dr. Ali ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gargaarka lagu garab istaagaayo Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana la sii xoojin doono  waxqabadka hay'adaha kala duwan ee Islaamka.

Dhanka kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu boggaadiyay mashaariicda badan ee laga fuliyay Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey booqashada Dr. Ali Muhidin Al-Qardai.

Aadan Madoobe ayaa Dr. Ali Muhidin Al-Qardai waxa uu kula dardaaramay in ay sii laba jibaaraan dar dargelinta mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM