Aadan Madoobe oo qaabilay madaxa Midowga Culimadda Islaamka

Image
Dr. Ali Muhidin Al-Qardai ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Talaadada maanta ah waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Ali Muhidin Al-Qardai oo ah Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulankan ka dhacay xarunta Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka waxaa ku welinayay Xildhibaano.

Dr. Ali waxaa la socday Agaasimaha Xafiiska Hay’adda Qatar Al Kheyriyah ee Soomaaliya Cabdifataax Aadan Macalin iyo Shuceyb Cabdiladiif oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Zamzam ee Soomaaliya. 

Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka ayaa ugu horeyn waxa uu si diiran kaga mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dr. Ali ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gargaarka lagu garab istaagaayo Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana la sii xoojin doono  waxqabadka hay'adaha kala duwan ee Islaamka.

Dhanka kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu boggaadiyay mashaariicda badan ee laga fuliyay Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey booqashada Dr. Ali Muhidin Al-Qardai.

Aadan Madoobe ayaa Dr. Ali Muhidin Al-Qardai waxa uu kula dardaaramay in ay sii laba jibaaraan dar dargelinta mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM