Afar jeer oo Itoobiya lagu eedeeyay in ay hub soo gelisay Soomaaliya

Image
Itoobiya ayaa 26-kii July beenisay eedeymaha ah in ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Markii 4-aad ee sanadkan, Soomaaliya waxa ay ku eedeysay Itoobiya in ay hub sharci darro ah soo gelisay Soomaaliya si ay u taageerto maamul goboleedyada.

Bishii Luulyo dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ammaanku ay gacanta ku dhigeen labo baabuur oo hub ah oo laga keenay xadka Itoobiya oo ay lahaayeen ganacsato hub ah.

Isla muddadaas, Soomaaliya waxay ku eedaysay Itoobiya inay hub geysay Baydhabo.

Bishii Sebtembar, Soomaaliya waxay sheegtay in Itoobiya ay hub u soo dirtay Puntland.

Haddana, Soomaaliya waxay ku eedaysay Itoobiya inay hub u dirtay Kismaayo bishii Dec 7dii.

Itoobiya ayaa 26-kii July beenisay eedeymaha ah in ay hub sharci darro ah gelisay Soomaaliya. Itoobiya wali kama aysan jawaabin eedeymaha Sept iyo kan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM