AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin R.M. Anderson, iyadoo kulankooda lagu falanqeeyay dadaallada socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida Mareykanka uga go’an tahay in uu xoojiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya si loo sugo amniga gudaha iyo midka gobolka.

Sida uu sheegay xafiiska Madaxweynaha, taageerada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay ka kooban tahay howlgallo diyaaradeed oo bartilmaameed leh, tababaro milatari, wadaagista sirdoonka, iyo qalab lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda guud ee amniga Geeska Afrika, iyagoo muujiyay baahida loo qabo iskaashi goboleed oo ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee xuduudaha ka gudba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay AFRICOM doorkiisa, isaga oo ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay sii adkeyn doonto xiriirka la leh saaxiibada caalamiga ah si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.

Booqashada Gen. Anderson ee Muqdisho ayaa qeyb ka ah socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada Mareykanka ka howl-galaan, taasoo qeyb ka ah dadaallada Maraykanka ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM