Agaasimaha hay'adda sirdoonka Mareykanka oo ka dagay Muqdisho

Image
William Joseph Burns ayaa garoonka Aadan Cadde kula kulmay madaxwayne Xasan Sheekh iyo agaasime Mahad Salaad.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha mukhaabaraadka Mareykanka ee CIA, William Joseph Burns ayaa socdaal qarsoodi ah Arbacadii wuxuu ku tagay Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen illo xog-ogaal ah.

William ayaa garoonka Aadan Cadde kula kulmay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyadda oo uu goobjoog ahaa madaxa hay’adda sirdoonka Soomaaliya NISA, Mahad Maxamed Salaad. 

Wararka ayaa sheegaya in wadahadalkan ay albaabada u xirnaayeen lagu lafaguray la dagaalanka AS, xoojinta iskaashiga dhanka ammaanka, xaaladihii ugu dambeeyay gobolka iyo caalamka.

William Joseph Burns wuxuu socdaal ku marayaa wadamadda gobolka Geeska Afrika isaga oo maalmo ka hor joogay dalka Kenya halkaas oo uu kula hadlay madaxwayne William Ruto iyo mas'uuliyiin kale.

Safarkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo salka ku haysa is-faham milatari iyo difaac oo ay Addis Ababa la gashay maamulka Somaliland.

Socdaalkan ayaa sidoo kale wuxuu imaanayaa xilli Muqdisho ay Arbacadii shalay ay hawada ka celisay diyaarad siday wafdi Itoobiyaan ah kuwaas oo Hargeysa ugu socday dhameystirka is-fahamkaas.

Dhanka kale,Gaari ay saaran yihiin askar Itoobiyaan ah kuna hubeysan qoryaha wax shiisha ayaa lagu arkay gudaha Hargeysa. Illo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in ciidankan ay galbinayeen kolanyo heer sarre ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM