Ajendaha kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la diyaariyay

Image
Kulan ka qabsoomay magaalada Kismaayo ayaa lagu go’aamiyey sida ay u kala horeyn doonan ajendaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Kismaayo ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay uga hadlayeen ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Inta kulanka uu socdaa ayaa waxaa lagu ansixiyay laba qeybood oo kala ah ajendayaasha guud ee kalfadhiga shanaad iyo qeybta labaad oo ah in hoos loo daadago islamarkaana loo wajaho sida ay ajendayaasha horutabinta u kala leeyihiin.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka hadlay in kalfadhiga shanaad lagu sii amba qaado islamarkaana lagu dhameystiro inta ka hartay ajendayaashii kalfadhigii afaraad ay xukuumadda soo gudbisay Iyo kuwo cusub oo ay kalfadhiga shanaad soo gudbisay kuwaas oo hada Golaha horyaala.

Shirka Guddiga Joogtada oo maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay isku raaceen in kalfadhiga shanaad xoogaa lagu saaro ajendayaasha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay maalmihii shirka uu socday dadaalkii Iyo howlkarnimadii ay muujiyeen, waxaa uuna dhanka kale u mahadceliyay madaxda Iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubaland soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM