Al-Shabaab Oo Dib U Qabsatay Deegaano Cusub Oo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dib u qabsatay deegaano cusub oo ku yaal gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo ay kamid yihiin Al-Kawthar iyo Boos-Hareeri, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku dhow maamulka gobolka.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda federaalka iyo malleeshiyaadka maxalliga ah ee loo yaqaano Macwiisleyda ay ka baxeen dhowr goobood, kadib markii ay ka hortagi waayeen weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab, iyagoo kala kulmay khasaarooyin kala duwan.

Nawaaxiga tuulada Boos Hareeri ee G/Shabeellaha Dhexe waxaa lagu dilay Shalay Sarkaal sare iyo askartii la socotay, oo Al-Shabaab weerar ku qaadey, waxaana kooxda soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay qabsatay.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay billaabatay bisha Ramadan, waxay dadaal ugu jirtaa inay soo ceshato deegaanadii ay ka joogi jirtay gobolka, taasoo keentay khatar amni oo joogto ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa maxalliga ah ayaa isku dayaya inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa kooxdaas, si aysan u sii fidin.

Arrintan ayaa qeyb ka ah iska horimaadyada sii xoogeysanaya ee ka dhex jira dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Qorshaha militeri ee dowladda ayaa u muuqda mid fashilmay, maadaama goobihii horey ula wareegtay hadda ay Al-Shabaab dib u qabsanayso, iyadoo lagu waayay Saraakiil sare iyo askar badan dagaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM