Al-Shabaab Oo Dib U Qabsatay Deegaano Cusub Oo Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay dib u qabsatay deegaano cusub oo ku yaal gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasoo ay kamid yihiin Al-Kawthar iyo Boos-Hareeri, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku dhow maamulka gobolka.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda federaalka iyo malleeshiyaadka maxalliga ah ee loo yaqaano Macwiisleyda ay ka baxeen dhowr goobood, kadib markii ay ka hortagi waayeen weerarada joogtada ah ee Al-Shabaab, iyagoo kala kulmay khasaarooyin kala duwan.

Nawaaxiga tuulada Boos Hareeri ee G/Shabeellaha Dhexe waxaa lagu dilay Shalay Sarkaal sare iyo askartii la socotay, oo Al-Shabaab weerar ku qaadey, waxaana kooxda soo bandhigtay gaadiid dagaal oo ay qabsatay.

Al-Shabaab ayaa tan iyo markii ay billaabatay bisha Ramadan, waxay dadaal ugu jirtaa inay soo ceshato deegaanadii ay ka joogi jirtay gobolka, taasoo keentay khatar amni oo joogto ah. Ciidamada dowladda iyo kuwa maxalliga ah ayaa isku dayaya inay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa kooxdaas, si aysan u sii fidin.

Arrintan ayaa qeyb ka ah iska horimaadyada sii xoogeysanaya ee ka dhex jira dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Qorshaha militeri ee dowladda ayaa u muuqda mid fashilmay, maadaama goobihii horey ula wareegtay hadda ay Al-Shabaab dib u qabsanayso, iyadoo lagu waayay Saraakiil sare iyo askar badan dagaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay 2022.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM