Al-Shabaab oo la Wareegtay Deegaanka Istiraatiijiga ah ee Xawaadley

Image

XAWAADLEY - Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ka qasbeen ciidamada Burundi iyo qaar ka mid ah maleeshiyooyinka deegaanka saldhigyadoodii ku yaallay deegaanka istiraatiijiga ah ee Xawaadley, oo qiyaastii 50km waqooyi ka xiga magaalada Muqdisho.

Xoogagga Al-Shabaab ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay si ula kac ah biyo ugu fatahayay deegaanka, iyagoo isticmaalaya biyo-xireenka dabiiciga ah ee Balcad, kaas oo ah kaydka biyaha ugu weyn Soomaaliya.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dadka deegaanka ay maanta arkeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka dhex muuqanayay Xawaadley. Deegaankani wuxuu leeyahay buundo istiraatiiji ah oo isku xirta gobolka iyo koonfurta dalka, taasoo muhiim u ah isku socodka iyo saadka ciidan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in Al-Shabaab ay sii xoojiyaan joogitaankooda halkaas haddii aan si degdeg ah tallaabo looga qaadin.

Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kusoo xoogeysanaysay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo wareegtay degmada Aadan Yabaal iyo deegaano ku dhaw, waxayna bishii Febuary 2025 gashay degmada Balcad oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Caasimada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM