Al-Shabaab oo weeraro ka fulisay Koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa weerarro isku xiran ka fuliyay qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo la sheegay in ay bartilmaameedsanayeen saldhigyada Ciidamada dowladda, iyagoo doonaya in ay qabtaan deegaano cusub.

Weerarrada ayaa ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Al-Shabaab weerareen xarumaha dowladda iyo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dagaallo culus ayaa ka dhashay weerarkan, iyadoo qaraxyo ay dhaceen, taasoo keentay khasaare weyn.

Dagaallada ayaa ahaa kuwo xoog leh, waxaana deegaanka laga maqlay qaraxyo iyo rasaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Dhinacyada ku lugta leh dagaalka ayaa soo gaaray khasaare, oo ay ku jiraan dhimashada iyo dhaawacyada, taasoo muujinaysa xaaladda amni ee deegaannadaas.

Tani waxay ahayd weerarkii labaad ee ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday subaxnimadii sabtida Maanta, iyagoo sidoo kale weeraray deegaanka Haawo Cabdi oo ku yaal 20 km galbeed magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dagaal xooggan la galeen ciidamada dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan soo kordhiyay cafis loogu talagalay xubnaha Al-Shabaab ee diyaar u ah inay kasoo baxaan kooxda.

Al-Shabaab ayaa la dagaallamaya dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo muddo 30 sano ah ku guul-darreysatay inay amni buuxa ka hirgeliso dalka. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaab ayaa waayay deegaano badan oo ka tirsan gobollada dhexe iyo koonfurta dalka kadib duulaan lagu qaadey, kaasoo markii hakadka galay ay kooxda dib isku soo abaabushay, oo hadda weeraro ka billowday Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM