Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada gaarka ah ee ilaalinaya Villa Somalia, oo ay ku nool yihiin madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa soo riday mid kamid ah labo diyaarad oo drone ah oo lagu arkay hawada dhismaha, taasoo keeni karta walaac weyn oo ku saabsan amniga goobtan ugu ilaalinta badan dalka.

Sida ay sheegeen saraakiisha, labada diyaarad ayaa dul wareegayay dhismaha Villa Somalia mudo daqiiqado ah. Lama oga cidda leh diyaaradaha iyo ujeedada guud ee ay ugu duulayeen agagaarka qasriga. Amniga ayaa sare loo qaadey Madaxyooyadda iyadoo uu socdo baaritaan.

Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli warbixinada ay sheegayaan in ISIS iyo Al-Shabaab ay bilaabeen isticmaalka drones-ka si ay u fuliyaan weerarro bam ah. Daacish ayaa ku sugan buuraha Puntland, halka Al-Shabaab ku xoog badan yihiin gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka.

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, hase yeeshee, hawlgallada joogtada ah ee ka dhanka ah kooxahan ayaa ka dhigay mid adag inay guul ka gaaraan. 

Dhanka kale, Al-Shabaab waxay ku howlantahay sidii ay guul uga gaari lahayd dagaallada, iyadoo ciidamada milateriga Soomaaliya ay kula dagaalamayaan dhinacyo badan, oo gobollada Dhexe ugu badan yihiin.

Muqdisho waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu khatarta badan dalka, iyadoo ay ku sugan yihiin diblomaasiyiinta beesha caalamka iyo safaaradahooda. Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalada 2011, waxaana ku adkaatay inay dib uga soo noqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM