Amniga Madaxtooyadda Soomaaliya oo la adkeeyay kadib diyaarado lagu arkay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada gaarka ah ee ilaalinaya Villa Somalia, oo ay ku nool yihiin madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, ayaa soo riday mid kamid ah labo diyaarad oo drone ah oo lagu arkay hawada dhismaha, taasoo keeni karta walaac weyn oo ku saabsan amniga goobtan ugu ilaalinta badan dalka.

Sida ay sheegeen saraakiisha, labada diyaarad ayaa dul wareegayay dhismaha Villa Somalia mudo daqiiqado ah. Lama oga cidda leh diyaaradaha iyo ujeedada guud ee ay ugu duulayeen agagaarka qasriga. Amniga ayaa sare loo qaadey Madaxyooyadda iyadoo uu socdo baaritaan.

Tani waxay ku soo beegmaysaa xilli warbixinada ay sheegayaan in ISIS iyo Al-Shabaab ay bilaabeen isticmaalka drones-ka si ay u fuliyaan weerarro bam ah. Daacish ayaa ku sugan buuraha Puntland, halka Al-Shabaab ku xoog badan yihiin gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka.

Labada kooxood waxay si gooni gooni ah u dadaalayaan inay ridaan dowladda federaalka Soomaaliya ee ay taageerto Qaramada Midoobay, hase yeeshee, hawlgallada joogtada ah ee ka dhanka ah kooxahan ayaa ka dhigay mid adag inay guul ka gaaraan. 

Dhanka kale, Al-Shabaab waxay ku howlantahay sidii ay guul uga gaari lahayd dagaallada, iyadoo ciidamada milateriga Soomaaliya ay kula dagaalamayaan dhinacyo badan, oo gobollada Dhexe ugu badan yihiin.

Muqdisho waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu khatarta badan dalka, iyadoo ay ku sugan yihiin diblomaasiyiinta beesha caalamka iyo safaaradahooda. Al-Shabaab ayaa laga saaray magaalada 2011, waxaana ku adkaatay inay dib uga soo noqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM