Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Image

WASHINGTON - Muuqaalka duqeyn ka dhacday Calmiskaad oo lala eegtay Daacish ayaa lagu baahiyay barta Aqalka Cad ku leeyahay X, kaasoo muujinaya xubno badan oo la duqeynayo iyagoo lugaynaya, waxaana dowladda Mareykanka ay sheegtay in 10 kamid ah kooxda la dilay.

“Ma hilmaamnay khatarta ka imaanaysa Jihaadiyiinta. 10 kale ayaa gebi ahaanba looga saaray dagaalka Soomaaliya shalay,” ayuu yiri White House. “Tani waxay tirada guud ka dhigaysaa in in ka badan 100 dagaalyahan oo dhiigyuusan ah la dilay tan iyo markii Madaxweyne Trump uu xafiiska qabtay.”

Duqeynta ayaa noqonaysaa midii 2aad oo Aqalka Cad baahinayo tan iyo Febuary 2025, iyadoo duqeyn hore oo Trump lawadaagey dadka ku xiray bartiisa X ku sheegay in lagu dlay Axmed Milaniini, oo u qaabilsanaa Daacish weerarada Mareykanka iyo Yurub.

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024, si Kooxda looga saaro buuraha gobolka Bari, iyadoo illaa hadda la wareegay dhulkii ugu ballaarnaa, oo saldhigyo iyo keydadka hubka ay ku jiraan.

Maamulka Trump ayaa fulinaya weerarada cirka gudaha Soomaaliya si ka duwan xiligii Biden, iyadoo Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya saldhigyo ay ku sugan yihiin ku dhawaan 700 oo askari oo qaarkood degan xerada Beled-Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo Danab ku tababaraan.

Taliska Afrika ee Maraykanka (AFRICOM) ayaa kordhiyay howlgaladiisa Soomaaliya, iyadoo duqeymaha diyaaradaha lagu beegsanayo goobo istaraatijiyad ah — lagu burburinayo xarumaha milatariga ee kooxda iyo agabka kale ee khatarta ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM