AS oo weerarkii shanaad ka fulisay Soomaaliya tan iyo bilowgii Soonka

Image
Weeraradan ayaa lala beegsaday fariisimo ciidan waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe subaxnimadii Talaadada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegay. Balse isgaarsiinta degaanka oo go’an ayaanan la xaqiijin karin tirada saxda ah.

Waa weerarkii Shanaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kooxda ayaa horey u weerartay Busley, Sanguni, Xinlab, SYL hotel iyo Daaru-Nimca oo ah midkan ugu dambeeyay.

Sikastaba ha ahaatee, tan iyo sannadkii hore, waa markii saddexaad oo dagaalyahannada ay weeraraan tuulada oo ay ku jiraan tiro kale oo badan oo lagu xoreeyay hawlgallo wadajir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM