AS oo weerarkii shanaad ka fulisay Soomaaliya tan iyo bilowgii Soonka

Image
Weeraradan ayaa lala beegsaday fariisimo ciidan waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleyshiyada Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe subaxnimadii Talaadada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegay. Balse isgaarsiinta degaanka oo go’an ayaanan la xaqiijin karin tirada saxda ah.

Waa weerarkii Shanaad oo Al-Shabaab ay ka fuliso Soomaaliya tan iyo markii la galay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kooxda ayaa horey u weerartay Busley, Sanguni, Xinlab, SYL hotel iyo Daaru-Nimca oo ah midkan ugu dambeeyay.

Sikastaba ha ahaatee, tan iyo sannadkii hore, waa markii saddexaad oo dagaalyahannada ay weeraraan tuulada oo ay ku jiraan tiro kale oo badan oo lagu xoreeyay hawlgallo wadajir ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM