AS oo weeraro ka fulisay Jubaland

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - AS ayaa fulisay saddex weerar oo ay ku qaadey 24-kii saac ee lasoo dhaafay saldhigyo Ciidan oo ku yaalla gobolka Jubada Hoose, oo dhawaan ka billowday howlgal military.

Wararka aan ka helayno gobolka ayaa sheegaya in la weeraray Buula-Xaaji, Harboole iyo Miido, oo kamid ah meelaha ay ka socdeen dhaq-dhaqaaqyada Ciidan mudooyinkii dambe.

Dagaal culus ayaa ka dhacay goobahan, kaasoo gaystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.Buula-Haaji waxay 80-km Koonfur Galbeed uga beegan tahay Kismayo, Harboole 90-km ayay waqooyi Galbeed u jirtaa Kismayo halka Miido 95-km sidoo kale waqooyi galbeed uga beegan tahay magaaladda Kismayo.

Ma jiro war kasoo baxay Jubaland oo ku aadan weerarada oo kusoo beegmaya xili guluf colaadeed ay Jubaland ka wado gobolka, ooAS uga sugan tahay Badhaadhe iyo degaanno kale, oo kasoo abaabusho qaraxyada iyo falalka kale ee ka dhan ah amniga.

Ciidan Mareykanka ah ayaa duleedka Kismaayo ku leh saldhig, waxayna ka caawiyaan askarta Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka duqeymaha cirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM