Axmed Madoobe oo baaq kasoo saarey dagaal beeleed ka qarxay Gedo

Image
Image
Image
Image
Image
Beelaha walaalaha ah ayaa ku dagaalamaya Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Baaq Nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay tahay wax aan loo baahnayn dagaalka u dhexeeya dadka walaalaha ah ee ku nool degmada luuq iyadoo dadka deegaanka ay kasoo kabanayaan saamaynta fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay sanadkii hore walina ay jirto saamaynta ay xaaladaas ku reebtay nolosha bulshada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhammaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka.

Madaxweynahu wuxuu digniin adag u diray askarta ku milmaysa shaqaaqadan isagoo xusay in askariga ku lug yeesha dagaalkan talaabo adag laga qaadi doono.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa faray maamulka gobolka, kan Degmada luuq iyo hay’adaha amniga gobolka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay u istaagan sidii shaqaaqadan loo joojin lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM