Axmed Madoobe oo gudoomiyay Shir ka dhacay Kismaayo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta Shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo dhowr ah.

Wasaaradda amniga ayaa ka warbixisay Xaalada amniga guud ee deegaanada Jubaland iyo howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Jubaland oo jab xoogan lagu gaarsiiyay Khawaariijta iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya oo laga saarey Raaskambooni.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ayaa golaha warbixin ka siisay Gargaar ay wasaaraddu gaarsiisay dadka ku nool deegaanada xeebaha ee gobolka Jubada Hoose halkaas oo Wasaaraddu ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deegaanka u qeybinaysay Gargaar loogu talagalay sidii dadka deegaanku ay uga soo kaban lahayeen firaaqa ku yimid dhaqdhaqaaqa Ganacsiga iyo adeeg bixinta kadib markii ay duulaanka gardarada ah ku qaaday deegaanadaas Dowladda Federaalka ah.

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM