Baanka Aduunka oo si adag ugu goodiyay Dowladda Soomaaliya

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa loo qabtey in illaa dhamaadka bishan soo gudbiso warbixin laga rabo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Aduunka ayaa fariin adag oo qoraal ah u diray dawladda Soomaaliya, gaar ahaana xubnaha dhinaca dhaqaalaha.

Qoraalka ayaa xubnahan ku wargaliyey in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga Aduunka baxday aan lasoo gudbin, kaas oo waqtigiisu ahaa in loo gudbiyo Bangiga Aduunka 31-Dec-2022, hayeeshee aan ilaa hadda lahaynin.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in loogu daro Sagaal Bilood balse kuma keenin xisaabxirka. Baanka Aduumka ayaa sheegay haatan uu waqtiga kama dambeysta ah ku e’ey tahay 31-ka bishan March oo aan lakordhin doonin.

Bangiga Aduunka ayaa ku goodiyay lix talaabo haddii aan warbixinta la keenin. Talaabo iyo ka ayaa kala ah;

1- Mashaariicda hadda socota lama kordhin doono.

2- Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.

3- Dhammaan wada xaajoodyada ayaa dib loo dhigi doonaa, xitaa kuwa hadda qorsheysan in lasoo daayo bisha Abriil 2024.

4- Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidaas oo kale lacagaha hadda mashaariicda socota ah ayaa la hakinayaa.

5- Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa lahakinayaa.

6-Bangiga Aduunka wuxuu hakinayaa deeqaha ay saameynayso warbixinta aan lasoo gudbin.

7- Saddex Mashruuc oo ay tahay in April 2024-ka la fasaxo oo uu bixinayo dhaqaalahooda Bangiga Adduunka ayaa lahakinayaa.

Hanjabaada Baanka Aduunka ayaa kusoo aadeysa xilli xukuumada federaalka ay shalay sheegtay in uu kobac ku yimid dakhliga gudaha balse loo baahan yahay taageero dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM