Baanka Aduunka oo si adag ugu goodiyay Dowladda Soomaaliya

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa loo qabtey in illaa dhamaadka bishan soo gudbiso warbixin laga rabo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bangiga Aduunka ayaa fariin adag oo qoraal ah u diray dawladda Soomaaliya, gaar ahaana xubnaha dhinaca dhaqaalaha.

Qoraalka ayaa xubnahan ku wargaliyey in xisaab-xirkii dhaqaalihii Bangiga Aduunka baxday aan lasoo gudbin, kaas oo waqtigiisu ahaa in loo gudbiyo Bangiga Aduunka 31-Dec-2022, hayeeshee aan ilaa hadda lahaynin.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsatay in loogu daro Sagaal Bilood balse kuma keenin xisaabxirka. Baanka Aduumka ayaa sheegay haatan uu waqtiga kama dambeysta ah ku e’ey tahay 31-ka bishan March oo aan lakordhin doonin.

Bangiga Aduunka ayaa ku goodiyay lix talaabo haddii aan warbixinta la keenin. Talaabo iyo ka ayaa kala ah;

1- Mashaariicda hadda socota lama kordhin doono.

2- Mashaariicda qorsheysan lama soo deyn doono.

3- Dhammaan wada xaajoodyada ayaa dib loo dhigi doonaa, xitaa kuwa hadda qorsheysan in lasoo daayo bisha Abriil 2024.

4- Dhammaan lacagaha hadda qorsheysnaa ayaa la hakinayaa, sidaas oo kale lacagaha hadda mashaariicda socota ah ayaa la hakinayaa.

5- Hagayaasha mashaariicaha hadda socda iyo kuwa qorsheysan dhaqaalaha ay helaan ayaa lahakinayaa.

6-Bangiga Aduunka wuxuu hakinayaa deeqaha ay saameynayso warbixinta aan lasoo gudbin.

7- Saddex Mashruuc oo ay tahay in April 2024-ka la fasaxo oo uu bixinayo dhaqaalahooda Bangiga Adduunka ayaa lahakinayaa.

Hanjabaada Baanka Aduunka ayaa kusoo aadeysa xilli xukuumada federaalka ay shalay sheegtay in uu kobac ku yimid dakhliga gudaha balse loo baahan yahay taageero dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye xanuun ku soo booday xilli uu warbaahin Caalami ah warar ka aqrinayay

Xaalada caafimad ee wariyaha 56 jirka ah ayaa la shaaciyay inay ay haatan tahay mid degan.

  • Soomaliya

    27-04-2024

  • 08:29AM

Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka horumarinta Teknoloojiyadda

Ujeeddada shirka ayaa ahayd xaqiijinta kaalinta Teknoloojiyadda ku leedahay kobaca iyo horumarinta dhaqaalaha.

  • Soomaliya

    26-04-2024

  • 04:30PM