Baarlamaanka JFS oo ansixiyay heshiiskii ay wada galeen Soomaaliya & Turkiga

Image
Wasiirka Difaaca ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad u leeyahay ilaalinta midnimada Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal.

Kulanka marka uu furmay waxaa Mooshin soo gudbiyay xildhibaano gaaraya 110, iyagoo dalbaday in ajandaha wax ka bedel lagu sameeyo isla-markaana fadhi caadi ah uu qabsoomo, waxaana ay mudanayaasha labada gole si wadar ogol ah ugu codeeyeen soojeedinta Xildhibaanada ah in ajandaha kulanka wax laga badalo.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Turkiga, heshiiskan ayuu Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Khudbada Madaxweynaha ka dib, Wasiirka difaaca dalka Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) ayaa Xildhibaannadda uga warbixiyay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiimad gaar ah u leeyahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ee Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa si wadajir u ansixiyeen heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa diiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM