Baarlamaanka Soomaaliya oo baaq kasoo saarey colaad beeleedyadda

Image
Kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka federaalka ayaa looga hadlay arrinkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyay shirka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhaarinta xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda oo dhowaan la magacaabay iyo sidoo kale xubno ka tirsan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaana ugu horeyn garsoore ka tirsan maxkamada sare ee dalka uu kulanka ku dhaariyay xubnaha ka tirsan Golaha Wasiirada iyo sidoo kale xubnaha ka tirsan Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Dhinaca kale kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa looga hadlay colaad beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaano ka tirsan gobolada dalka.

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiiga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa uu faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM