Boliiska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay nin dilay 8-jir oo adeer u ahaa

Image

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo hasysto dilka wiil 8-jir ah oo uu adeer u ahaa, ka dib howlgal ay ka sameeyeen degmada Xamarjabab ee gobolka Banaadir.

Qoraal ka soo baxay Boliiska Soomaaliya ayaa lagu yiri, “Ciidanka Booliiska Saldhiga degmada Xamar-Jajab ayaa qabtay nin gowracay wiil uu adeer u ahaa, falkaan ayaa dhacay Abaaro 5:40pm waxa uuna ka dhacay isla Degmada Xamar-jajab”

Eedeysanaha falka lagu tuhmay ayaa hadda ku jira gacanta Ciidanka Booliiska, waxaana socda baaritaan ku saabsan dhacdada, iyadoo la horgeyn doona Maxkamadda awooda u leh.

Dhacdadan ugub-ka ah ayaa maalmahan si weyn looga hadal haayay degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho, taasoo argagax ku beertay qoysas badan oo degmadaasi ku dhaqan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM