Booliiska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay lamaane caan ka ah Baraha Bulshada

Image
Lamaanahan ayaa caan ka ah Barta Tiktok, waxaana ku xiran dad kor u dhaafaya hal Milyan.

Muqdisho, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa xiray Cabaas iyo Faiaza oo ka mid ahaa dhalirada caanka ka baraha bulshada, waxaana maanta loo gudbiyay Taliska Booliska ee degmada Hodan.

Lamaanahan ayaa caan ka ah Barta Tiktok, waxaana ku xiran dad kor u dhaafaya hal Milyan, Waxayna beryahan dambe la kulmeen dhaleecayn badan oo ku saabsan muuqaallada ay duubayaan, kuwaas oo la sheega in ay ka hor imanayaan Qiyimka bulshada.

Waxaa lagu eedeeyay in muuqaalo anshax xumo ah ay jilaan ka dibna baraha bulshada ku baahiyaan, iyaga oo dhawaan soo dhigay muuqaal ay dhaleeceeyeen dadka ka faalooday.

Waxaa la filayaa in Cabbaas iyo Faiza dhawaan la horkeeni doono maxkamada go’aankeeda kasoo saari doonta, waxaana ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa iyo waqtigaas.

Booliska ayaa horey u xiray dad sidoo kale baraha bulshada soo dhigay muuqaalo anshax xumo ah, xilli la dhaliilayo saameynta aaladaha cusub ee baraha bulshada ay ku yeesheen dhaqanka iyo diinta Bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM