Booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay nin xaaskiisa ku gubay Muqdisho

Image
Booliiska ayaa falkaas ku eedeeyay ninkii qabay marwadaas.

Muqdisho, Soomaaliya - Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin ka bixiyay nin xaaskiisa ku gubay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho arrimo la xariira Maseyr dartiis.

Afhayeenka ayaa yiri: “Abbaare 10-kii iyo 25 daqiiqo ayaa waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd".

Booliiska ayaa falkaas ku eedeeyay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheeegay in ninkan uu xaaskiisa oo Xaamilo ah ku soo xiray qol ka dib dab qabadsiiyay isaga oo isla markii ka cararay goobta.

Dadka dariska la ah ayaa ku soo baxay qeylada marwada iyo caruurteeda, iyaga oo durba bilaabay inay u gurmadaan, waxaana loo qaaday mid ka mida isbitaallada magaalada, iyada oo la il daran dhaawacyo halis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM