Booliska Soomaaliya oo qabtey askari "dil" ka geystay Muqdisho

Image
Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed, ayaa la sheegay in ay ku socoto baarista si cadaalada loo horgeeyo. 

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen askari la sheegay in uu ka dambeeyay dilka 45-sano marxuum ex-Booliis Daahir Cabdi Axmed.

Falkan oo hadal-heyn badan abuuray ayaa waxa uu Sabtida maanta ah ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Booliska, Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed waxaa ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo. 

"Maanta 20 Jan 2024, abaare 14:00 PM, ayaa la dilay Marxuum ex-Booliis Daahir Cabdi Axmed, ina Salaado Maxamed Geedi 45 jir ku dhashay Mudug, deganaa Wadajir, kaas oo lagu dilay Degmada Wadajir gaar ahaan waaxda Xaawo-taako," ayaa lagu yiri qoraalka. 

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Eedeysane Boliis, Moowliid Maxamuud Axmed, oo ku eedeeysan dilka marxuumka, ayaa Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen, hadana wuu xiranyahay, waxaan ku socota baarista si cadaalada loo horgeeyo".

"Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa ka xun dhacdadaas foosha xun. Eedeysanuhu si deg deg ah ayu cadaalada ku wajahayaa," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Dilkan ayaa waxaa ka dhashay banaanbax qeyb ahaan looga soo horjeedo dad lagu amray in ay baneeyaan dhulkii dabdamiska ee hogaanka dhismaha Booliska Soomaaliya ayaa xirtey jidka Zeeybiyaano. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM