Booliska Soomaaliya oo saraakiil tababar ugu diray Yurub, Afrika iyo Aasiya

Image
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa sagootiyey saraakiishan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta Xaflad Sagootin ah ugu sameeyayay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha Boliiska.

Saraakiisha iyo Kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub, Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira Boliiska.

S/Guuto Sulub Axmed Firin oo la hadlay Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dardaarmay in ay ka faa'iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan sidoo kalana uga faa'iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM