Booliska Soomaaliya oo soo bandhigay "haweeney gubtay" saygeeda

Image
War-saxaafadeed kasoo baxay booliska ayaa lagu caddeeyay in falkan uu ka dhacay degmadda Yaqshiid.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxa uu soo bandhigay haweeney la sheegay in ay saygeeda ku gubtay Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay booliska ayaa lagu caddeeyay in falkan uu ka dhacay degmadda Yaqshiid taariikhdu markay ahayd 16/2/2024.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay.

Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh.

Muwaadin hadii aad la kulanto fal danbiyeey nuucaan oo kala ah adigoo Mahadsan la xariir Ciidamadda Amaanka ee kuugu dhaw ama wac Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM