Buuq hareeyey kulankii baarlamanka ee wax ka beddelka Dastuurka

Image
Doodan ayaa u dhaxaysay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid.

Muqdisho, Soomaaliya - Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa Fadhigii maanta ee looga doodayay cutubka 4-aad ee Dastuurka ku dhexmaray dood kulul oo hadalo la isku dhaafsaday.

Doodan ayaa u dhaxaysay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid, taasi oo ku aadaneyd in xubnaha Guddiga Dastuurka ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda ka dhiibtaan qodobada Dastuurka.

Xildhibaan Maxamed ka dib markii uu ka hadlay aragtidiisa la xiriira dastuurka ayaa waxaa soo dhexgalay Senator Muusa Suudi oo ku gacan seyray tallaabadaas, wuxuuna sheegay in aysan habooneyn in xubnaha guddiga dastuurka ay dib ugu celiyaan baarlamaanka laftiisa aragtida ay ka qabaan qodobada.

Buuq iyo sawaxan ayaa laga dareemayay Golaha Baarlamaanka inta ay Socotay dooda labada mudane, waxaana soo afjaray Xildhibaan Maxamed Yusuf oo weydiiyay Xaaji Muuse Suudi; “ Ma ra’yigeyga ayaa ii diideysaa, ma sharci ayaad u haysataa? “

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo gaba gabeeyay ka doodista cutubka 4-aad ee dastuurka, waxaana kaliya harsan marxalada 3-aad ka hor inta aan cod loo qaadin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM