Buuq hareeyey kulankii baarlamanka ee wax ka beddelka Dastuurka

Image
Doodan ayaa u dhaxaysay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid.

Muqdisho, Soomaaliya - Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa Fadhigii maanta ee looga doodayay cutubka 4-aad ee Dastuurka ku dhexmaray dood kulul oo hadalo la isku dhaafsaday.

Doodan ayaa u dhaxaysay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid, taasi oo ku aadaneyd in xubnaha Guddiga Dastuurka ay xaq u leeyihiin inay fikirkooda ka dhiibtaan qodobada Dastuurka.

Xildhibaan Maxamed ka dib markii uu ka hadlay aragtidiisa la xiriira dastuurka ayaa waxaa soo dhexgalay Senator Muusa Suudi oo ku gacan seyray tallaabadaas, wuxuuna sheegay in aysan habooneyn in xubnaha guddiga dastuurka ay dib ugu celiyaan baarlamaanka laftiisa aragtida ay ka qabaan qodobada.

Buuq iyo sawaxan ayaa laga dareemayay Golaha Baarlamaanka inta ay Socotay dooda labada mudane, waxaana soo afjaray Xildhibaan Maxamed Yusuf oo weydiiyay Xaaji Muuse Suudi; “ Ma ra’yigeyga ayaa ii diideysaa, ma sharci ayaad u haysataa? “

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa soo gaba gabeeyay ka doodista cutubka 4-aad ee dastuurka, waxaana kaliya harsan marxalada 3-aad ka hor inta aan cod loo qaadin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM