Cabdi Xaashi oo Seneterada ku dhaliilay hab-dhaqan cusub ay lasoo baxeen

Image
Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kalfadhiga shanaad kulankiisa 16-aad ee Golaha Aqalka Sare.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 16-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo ka koobnaa ilaa iyo saddex ajande ayaa kala ahaa, Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Hay'adda sharciyaynta adeegyada iyo baaritaanka beeraha Soomaaliyeed 2. Akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka xakamaynta kiimikooyinka beeraha iyo Akhrinta labaad ee sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

Ugu horrayn Wasiir dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed ayaa Sanatarrada Aqalka Sare faahfaahin guud ka siiyay muhiimadda Hindise sharciyeedka Hay'adda sharciyaynta adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakamaynta kiimikooyinka beeraha, isagoo dul istaahay sida sharciyadaas ay dalka muhiim ugu yihiin iyo waxyaabaha ay meesha ka saarayaan.

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka iyo Xuquuqul Insaanka Aqalka Sare Sanatar Naciima Ibraahim Garwayne ayaa dhankeeda Sanatarrada Aqalka Sare u dulmartay akrinta labaad sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed oo ay ka soo talo geliyeen dadka Naafada iyo bulshada qaybeheedaka kala duwan, iyadoo Sanatarrada qaar ay ku biiriyeen aragti iyo talooyin kale oo dheeraad ahaa kuwaas oo dheeli tiraya sharciga Ilaalinta Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

"Sanatarada in ay dhuuntan ayay bilaabeen 30 Sanatar ayaan ku joonay haddana 11 sanatar ayaa soo hartay saansna xaq maahan," ayuu yiri gudoomiye Xaashi.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray ayaa faray xubnaha guddiga Garsoorka iyo Xuquuqul Isnaanka in soo dedejiyaan akhrnta saddexaad ee sharciga, iyagoo ku soo lifaaqaya aragtida Sanatarrada, wuxuuna dhinaca kale Guddoomiyuhu Sanatarrada Golaha ku booriyay in ay soo xaadiraan fadhiyada guud ee Golaha oo ay ka dhabeeyaan dhaartii ay ku dhaarteen ee gudashadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM