Cagjar oo ku taageeray Abiy Axmed damaciisa ku aadan Badda Soomaaliya

Image
Cagjar ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka tirsan yahay Itoobiya, xilli xiisad colaadeed laga dareemayo gobolka.

JIGJIGA (GO) - Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland gaareen ooqeexya in Itoobiya ay la wareegto qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Cagjar waxa uu sheegay in maamulkiisu uu ka tirsan yahay dalka Itoobiya, isla markaana ay heshiiskaas uga faa’iidaysan karaan dhanka dhaqaalaha, maadaama ay Itoobiya ku nool yihiin dad tira badan.

Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo amniga gobolka oo ay ka jiraan colaado iyo dagaallo, isagoo caddeeyay in labada dhinac ay ka faa’iideysan doonaan heshiiska.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xaqiijiyay in Itoobiya ay tahay cadaw taariikhi ah oo Soomaaliya leedahay, isla markaana ay awood u leeyihiin inay isku mar la dagaalamaan Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee ah in Soomaaliya ay kala qeybiso, waxaana uu digniin adag u diray qof kasta oo Soomaali ah oo la macaamila dowladda Itoobiya si uu uga helo faa’iido dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM