CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Muqdisho ka billowday kulamo siyaasiyiinta ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo doorashada mustaqbalka, iyadoo mudo-xileedka dowladda hadda joogto uu sii dhamaanayo, kana haray wax ka yar sanad.

Madaxdii hore, sida Sheekh Shariif, Xasan Cali Khayre iyo Cumar C/rashiid ayaa hogaaminaya kulamada siyaasadeed, iyagoo kusoo bandhigay Muqdisho Ciidamo badan iyo gaadiid dagaal, taasoo walaac ku beertay dowladda oo ka baqaysa isku dhacyo hubeysan.

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

Waxaa la filayaa in shir wayne ka qabsoomo Mowlaca Maclin Nuur oo ku dhaw madaxtooyadda, halkaasoo caan ku ah kulamada mucaaradka xiliga ay soo dhawdahay doorashadda, waxaana la filayaa in dowladda Federaalka soo saarto dhawaan awaamiir cusub oo la xiriira hubka lagu dhex-wato Caasimadda.

Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa siyaasiyiintan mucaaradka hadda kulamada u socdo, isagoo ka qeyb-qaatey abaabul ciidan oo ka dhan ah dowladdii Farmaajo, waxaana Ciidankiisa xirteen aaga miranaayo oo dagaal uu dhacay.

Xaaladda Muqdisho ayaan la saadaalin karin xiligan, maadaama la galayo olole doorasho, iyadoo dowladda isku dayayso inay aamusiso Mucaaradka, laakiin midaas laga digay inay ka dhalato dagaal, maadaama ay magaaladda soo galayaan askar badan oo gobolada ka yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM