Ciidamada Burundi oo Ka Baxay Xawaadley Kaddib Fatahaado – AUSSOM

Image

XAWAADLEY, Soomaaliya – Ciidamadda Burundi ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilloonida Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shalay ka baxay degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii roobab culus iyo fatahaado ba’an ay si xun u saameeyeen saldhiggoodii, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay AUSSOM Maanta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in bixitaanka ciidamada uu dhacay Isniintii, iyada oo howlgalka daadgureynta loo adeegsaday diyaarado helikobter ah. Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa la sheegay inuu la kulmay cilad farsamo, balse duuliyeyaashu si nabad ah ayay u dejiyeen, wax khasaare ahna lama soo sheegin. Dhammaan ciidamadii Burundi ayaa loo wareejiyey saldhig ciidan oo ku dhow halkaas.

“Waxaan bogaadineynaa tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada AUSSOM ee Burundi xilligaas adag,” ayuu yiri Kareem Adebayo, ku simaha wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaan mar kale caddeyneynaa taageeradayada joogtada ah ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha.”

AUSSOM kama hadlin cidda gacanta ku haysa deegaanka markii dambe. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiin deegaanka ah ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dib ugu laabatay degmada, inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin warkaas.

“Wax dagaal ah ma dhicin,” ayuu yiri mid ka mid ah maamulka deegaanka. “Biyo badan ayaa galay xeryihii ciidamada, taasina waxay keentay in la go’aansado bixitaanka.”

Xawaadley oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddo sanooyin ah hoos tagaysay dowladda federaalka, waxaana halkaas ka dhacay dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kuwaas oo sababay khasaare badan.

Ka bixitaanka Xawaadley ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay ku jiraan marxalad kala-guur ah oo hoos-u-dhigid ah, sida ku cad qorshaha AUSSOM. Ciidamada Burundi ayaa la filayaa inay si buuxda uga baxaan Soomaaliya toddobaadyada soo socda, iyadoo ciidamada amniga Soomaaliya ay diyaarinayaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM