Ciidamada Burundi oo Ka Baxay Xawaadley Kaddib Fatahaado – AUSSOM

Image

XAWAADLEY, Soomaaliya – Ciidamadda Burundi ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilloonida Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shalay ka baxay degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaddib markii roobab culus iyo fatahaado ba’an ay si xun u saameeyeen saldhiggoodii, sida lagu sheegay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay AUSSOM Maanta.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in bixitaanka ciidamada uu dhacay Isniintii, iyada oo howlgalka daadgureynta loo adeegsaday diyaarado helikobter ah. Mid ka mid ah diyaaradaha ayaa la sheegay inuu la kulmay cilad farsamo, balse duuliyeyaashu si nabad ah ayay u dejiyeen, wax khasaare ahna lama soo sheegin. Dhammaan ciidamadii Burundi ayaa loo wareejiyey saldhig ciidan oo ku dhow halkaas.

“Waxaan bogaadineynaa tallaabada degdegga ah ee ay qaadeen ciidamada AUSSOM ee Burundi xilligaas adag,” ayuu yiri Kareem Adebayo, ku simaha wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya. “Waxaan mar kale caddeyneynaa taageeradayada joogtada ah ee shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha.”

AUSSOM kama hadlin cidda gacanta ku haysa deegaanka markii dambe. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiin deegaanka ah ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dib ugu laabatay degmada, inkasta oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin warkaas.

“Wax dagaal ah ma dhicin,” ayuu yiri mid ka mid ah maamulka deegaanka. “Biyo badan ayaa galay xeryihii ciidamada, taasina waxay keentay in la go’aansado bixitaanka.”

Xawaadley oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa muddo sanooyin ah hoos tagaysay dowladda federaalka, waxaana halkaas ka dhacay dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kuwaas oo sababay khasaare badan.

Ka bixitaanka Xawaadley ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay ku jiraan marxalad kala-guur ah oo hoos-u-dhigid ah, sida ku cad qorshaha AUSSOM. Ciidamada Burundi ayaa la filayaa inay si buuxda uga baxaan Soomaaliya toddobaadyada soo socda, iyadoo ciidamada amniga Soomaaliya ay diyaarinayaan in ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga deegaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM