Ciidamada Cirka Itoobiya oo Duqeymo ka Fuliyeey Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA — Ciidanka Cirka Itoobiya ayaa duqeymo ka fuliyay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya ee Fana Broadcasting Corporate, Jimcihii.

Duqeymahan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay horey ugu saxiixdeen heshiis amni bishii hore.

"Ma jirto duqeyn hawada ah oo ka dhici karta Soomaaliya oo aan ogolaansho ka helin dowladda," ayuu yiri Wasiirka Difaaaca Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur, oo intaas ku daray in ciidanka difaaca Soomaaliya ay qeyb ka ahaayeen howlgalkaas.

Wasiirku wuxuu iftiimiyay iskaashiga amni ee sii kordhaya ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo xusay Heshiiska Ankara oo ah qaab-dhismeedka wada-shaqeynta labada dal ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Duqeymahan ayaa ahaa hawlgalkii ugu horreeyay ee cirka Itoobiya ka fuliyaan gobolkaas sannadihii la soo dhaafay, iyadoo dowladda Soomaaliya u ogolaatay ciidamada Itoobiya inay ka qaybqaataan Hawlgallada Taageerada iyo Xasilloonida ee Midowga Afrika (AU) ee Soomaaliya.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa noqday goob dagaallo culus ku dhexmarayaan Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay taageeraan ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macwiisleyda.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xadka Feerfeer ay usoo dhaqaaqeen dhanka Shabeellaha Dhexe, si ugu biiraan dagaalka socda, una taageeraan dowladda Soomaaliya.

Ka-qaybgalka Itoobiya ayaa yimid kadib isbeddel ku yimid xiriirka labada dal, kadib khilaafyo bilihii la soo dhaafay, waxaana heshiiska Ankara iyo heshiiska iskaashiga milatariga ee labada dal uu xoojiyay wada shaqeyntooda.

Hoggaamiyeyaasha milatariga ee labada dal ayaa kulan ku yeeshay caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya bishii Febraayo, waxaana ay ku heshiiyeen in la xoojiyo howlgallada wadajirka ah iyo in la taageero ciidamada amniga Soomaaliya si ay gacanta ugu dhigaan dhammaan dhulka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM