Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Diyaarad Drone ah oo ay AS leedahay

Image
Diyaaradan ayaa la wariyay in ay dul haabeysay magaalada Dhuusamareeb labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Dhuusamareeb, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan oo la sheegay in ay basaaseysay fariisimo ay Ciidamada dowladda ku sugnaayeen oo ku yaalo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Diyaaradan ayaa la wariyay in ay dul haabeysay magaalada Dhuusamareeb labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaana ku raad joogay ciidaada amaanka oo markii dambe u guuleystay inay gacanta ku dhigaan.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxda AS ay leedahay diyaaraddan, iyadoo dhowaan ay u suuragashay inay la wareegeen diyaarado ay leeyihiin hay’ado caalami ah iyo kuwoo ay ka furteen ciidamada dowladda.

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa xili Ciidamada dowladda ay xoojiyeen dagaalka lagula jiro kooxda AS, kaas oo inta badan ka socda gobollada dhaxe iyo jubbooyinka.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dhawaan sheegay in dowladda ay bilaabi doonto Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM