Ciidamada Dowladda oo howlgal ay ka sameeyeen Jubbada Dhexe ku dilay 20 xubnood oo ka tirsan AS

Image
Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyay geerida tiro ku dhow 20 dagaalame oo ay ku jiraan ajaanib.

Jilib, Soomaaliya - Howlgallo ciidan oo ay qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimaha kooxda AS ee deegaanka Carabo, oo ku taalla gobolka Jubbada Dhexe ee maamulka Jubbaland.

Howlgalkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray kooxda.

Warbaahinta dowladda ayaa laga soo xigtay in howlgalka lala beegsaday shir ay lahaayeen saraakiil ka tirsan AS, iyadoo la sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay dhinteen, qaar kalena dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.

Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyay geerida tiro ku dhow 20 dagaalame oo ay ku jiraan ajaanib.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu bur buriyay kooxda gaadiid dagaal, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay maqlayeen qaraxyo xooggan oo ka tarjumaya heerka uu gaarsiisan yahay weerarka iyo sida uu u saameeyay deegaanada ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM