Ciidamada Dowladda oo howlgal ku burburiyay xaruntii kaydka hubka “AS” ee Galgaduud

Image
Ciidamada NISA ayaa duqeymo ku wada goobo ay leeyihiin kooxda ‘AS’,

Galhareeri, Soomaaliya - Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa maanta howlgal ka fuliyay deegaannada Jacar iyo Garab la’ ee dhaca gobalka Galgaduud ee Galmudug.

Qoraal kooban oo ay soo saartay Hay’adda Nabadsugida & Sidoonka Qaranka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda ay ku guuleysteen burburinta xarumo ay xubnaha ‘AS’ ku keydinaayeen hubka iyo gaadiidka.

Ciidamada NISA ayaa maalmahan duqeymo ku wada goobo ay leeyihiin kooxda ‘AS’, kuwaas oo ku kala yaala gobollada dhaxe, sida Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

Goobaha la beegsaday ayaa isugu jiray Guryo ay degnaayeen xubno sarsare oo ka tirsan kooxda, idaacado ku hadasha afkooda, iyo goobo lagu keydiyo Hubka iyo Gaadiidka.

Dhanka kale, Waxay hay’adda NISA xirtay Website-yo ay kooxdu u isticmaali jirtay faafinta wararka ku saabsan weerarada ay ka fuliyaan Koonfurta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM