Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Image
Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

Xarardheere, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen maleeshiyaadka AS.

Howlgalladan ayaa ka dhacay Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee gobalka Mudug, halkaas oo ay la wareegeen Ciidamada deegaanka.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka deegaanka ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah AS inta laga ciribtirayo oo looga sifeynayo dhamaan dalka.

Waxaa uu intaasi ku daray in howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere AS lagu gaarsiiyay jab xoogan, isla markaana laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM