Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay aagga degmada Xarardheere

Image
Howlgallada ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan kooxda AS.

Xarardheere, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen maleeshiyaadka AS.

Howlgalladan ayaa ka dhacay Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee gobalka Mudug, halkaas oo ay la wareegeen Ciidamada deegaanka.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka deegaanka ayaa tilmaamay in ay sii wadi doonaan howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah AS inta laga ciribtirayo oo looga sifeynayo dhamaan dalka.

Waxaa uu intaasi ku daray in howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere AS lagu gaarsiiyay jab xoogan, isla markaana laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM