Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano cusub oo dhaca gobolka Shabeellaha Hoose

Image
Ciidamada iyo Macawislayda ayaa maalmihii ugu danbeeyay la wareegay in ka badan 20-deegaan.

Marka, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda oo isugu jira Boliiska gaarka ah ee Haramcad, Ciidanka Xooga Dalka & Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta si wadajira howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaano dhaca gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgalka ayaa ka dhacay dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Jilib Marko iyo Buulo Nagey, waxaana la sheegay in Khasaare lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda ‘AS’.

War ka soo baxay dowladada ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay burburiyeen fariisimihii AS ee deegaanad kala ah Macalin Yuusuf, Nafaqow iyo deegaano kale.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah AS, iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada iyo xoogaga Macawislayda oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM