Ciidamada Koonfur Galbeed oo deegaan kala wareegay AS

Image
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in dib loo dardargelin doono dagaalka AS.

Baydhabo, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed oo kaashanaya Ciidanka NISA iyo kuwa deegaanka ayaa kala wareegay kooxda AS deegaanka Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ku sheegtay in Ciidamadu ay ku guuleysteen burburinta dhaca burburiyay Saldhig ay AS ku lahaayeen deegaanka Taflow.

Ciidanka Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo kuwa Deeganka ayaa howlgalkaan ku dilay 9 xubnood oo la tirsanaa kooxda AS.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidanka ay ka furteen kooxda inta lagu guda jiray howlgalka 7 qori oo AK 47 ah, hal qori oo BKM iyo Sanduuqyo Rasaas ah.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay maalmihii la soo dhaafay in dib loo dardargelin doono dagaalka ka dhanka ah kooxda AS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM