Ciidamada Masar oo kusoo wajahan Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo difaac ku jira

Image

Qaahira – Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonta Howlgalka cusub ee Midowga Afrika [AUSSOM] oo dalka Soomaaliya ka billaabanaya bisha soo socota, sida uu sheegay Wasiirkeeda arrimaha dibadda, iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogaysanayo.

"Masar waxay go'aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka, iyadoo ka duulaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika," ayuu yiri Badar Abdelatty oo shir jaraa'id ku qabtay Qaahira kadib kulankii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hawlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, ayaa bedeli doona howlgalka ATMIS.

Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkan ka dhashay qorshaha Addis Ababa ay ku doonayso in ay ku dhisato deked laga dhisayo maamulka Somaliland, oo raba in 20-KM oo bad ah ku bedesho aqoonsi.

Kadib wadahadalo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo xalin lahaa arrimahan.

Ficilada Itoobiya ayaa keenay in Soomaaliya ku dhawaato Masar, oo Itoobiya sannado badan isku khilaafsanaayeen biyo xireenka webiga Niil.

Kadib markii la saxiixday heshiis amni oo wadajir ah August 2024, Masar waxa ay Soomaaliya soo gaarsiisay hub iyo rasaas ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda.

Itoobiya ayaa loo ogolaadey inay qeyb ka noqoto howlgalka AUSSOM, maadaama laga heshiiyay khilaafkii jiray. Itoobiya ayaa kumanaan askari ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo ku sugan HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM