Ciidamada Masar oo kusoo wajahan Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo difaac ku jira

Image

Qaahira – Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonta Howlgalka cusub ee Midowga Afrika [AUSSOM] oo dalka Soomaaliya ka billaabanaya bisha soo socota, sida uu sheegay Wasiirkeeda arrimaha dibadda, iyadoo xiriirka labada dal uu sii xoogaysanayo.

"Masar waxay go'aansatay inay ka qayb-gasho howlgalka, iyadoo ka duulaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika," ayuu yiri Badar Abdelatty oo shir jaraa'id ku qabtay Qaahira kadib kulankii wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hawlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, ayaa bedeli doona howlgalka ATMIS.

Khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sanadkan ka dhashay qorshaha Addis Ababa ay ku doonayso in ay ku dhisato deked laga dhisayo maamulka Somaliland, oo raba in 20-KM oo bad ah ku bedesho aqoonsi.

Kadib wadahadalo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Turkiga, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sheegay in ay ka wada shaqeyn doonaan sidii loo xalin lahaa arrimahan.

Ficilada Itoobiya ayaa keenay in Soomaaliya ku dhawaato Masar, oo Itoobiya sannado badan isku khilaafsanaayeen biyo xireenka webiga Niil.

Kadib markii la saxiixday heshiis amni oo wadajir ah August 2024, Masar waxa ay Soomaaliya soo gaarsiisay hub iyo rasaas ay ka mid yihiin qoryaha lidka diyaaradaha iyo madaafiicda.

Itoobiya ayaa loo ogolaadey inay qeyb ka noqoto howlgalka AUSSOM, maadaama laga heshiiyay khilaafkii jiray. Itoobiya ayaa kumanaan askari ka jooga Soomaaliya, kuwaasoo ku sugan HirShabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM