Ciidamada SSC-Khaatumo oo Guul Ka Gaaray Dagaal Ka Dhacay Shangeed

Image

LAASCAANOOD - Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay guul weyn ka gaareen ciidamada Somaliland kadib dagaal culus oo ka dhacay deeganka Shangeed, ee gobolka Cayn maalintii Khamiista, iyadoo labada dhinacba ay sheegteen guulo kala duwan.

Tirada guud ee khasaaraha wali ma cadda, maadaama labada dhinacba ay sheegteen guulois khilaafsan. Xaqiijin madax-bannaan ayaa weli la sugayaa. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maalin dhan ay socotay rasaas is-daba-joog ah, iyadoo dad badan ka carareen guryahooda.

Wasiirka Warfaafinta SSC Khaatumo, Najib Barkhadle, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadooda ay si guul leh uga hortageen weerar ka yimid Somaliland, islamarkaana ay qabteen 54 hub fudud iyo maxaabiis dhowr ah.

Barkhadle ayaa sheegay in weerarku uu bilowday markii ciidamada Somaliland ay weerareen goobo SSC Khaatumo maamusho, laakiin lagu qasbay inay dib ugu laabtaan Qorilugud kadib markii ay la kulmeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Barkhadle ayaa sidoo kale eedeeyay Somaliland inay ka qeyb qaadanayso xasillooni-darrada gobolka, isagoo sheegay in ficilada militari ee Somaliland ay saameyn xun ku yeesheen wadamada dariska ah, oo ay ku jirto Itoobiya.

Dhanka kale, Ciidanka Somaliland ayaa sheegay inay qabteen dagaalyahanno SSC-Khaatumo ah iyo gaadiid intii lagu guda jiray isku dhacaas, inkastoo aysan jirin warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Raadinaya xilka Mar 3aad xili Dood Ka taagan tahay Dastuurka Soomaaliya

Xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya, ayaa si isdaba joog ah u carqaladeeyay fadhiyada baarlamaanka labada aqal.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 12:22PM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM