Ciidamo gadood ka sameeyay Muqdisho iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan

Image

Muqdisho – Ciidamo ka tirsan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa maanta xirtay jidka muhiimka ah ee Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay sheegeen in muddooyinkii dambe aysan helin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay rasaas kor u ridayeen, taasoo cabsi iyo khalkhal ku abuurtay shacabka ku sugnaa agagaarka. Dad badan oo halkaasi marayay ayaa ku xanibmay waddada, iyadoo baabuurta gaarka loo leeyahay iyo Mootooyinka yar-yar ee loo yaqaan “Bajaajta” la arkayay iyagoo hakad ku yimid.

Waddada Ex-Control Afgooye oo ah marin muhiim ah oo isku xira qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa xirnaanshaheedu sababay jahwareer xooggan iyo kacsanaan ka dhex dhalatay shacabka.

Ciidamadan Haramcad, oo la sheegay in ay yihiin kuwo uu Turkigu si gaar ah u tababaray, ayaa ka gadooday dowladda Federaalka ah ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ku eedeeyay in laga seexday xuquuqdooda, gaar ahaan mushaarka. Askartu waxay sheegayaan in mushaarkii yaraaba ee ay qaadan jireen uusanba iminka jirin.

Ilaa iyo hadda dowladda Federaalka kama aysan hadlin dhacdadan, taasoo kusoo beegmaysa xilli ay jiraan caqabado badan oo ka jira dhanka amniga iyo kalsoonida ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo sugidda xasilloonida dalka.

Dhacdadan ayaa muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay niyad-jabka iyo tabashada gudaha ciidanka dowladda, taasoo haddii aan si degdeg ah wax looga qaban, khatar ku noqon karta dadaallada dowladda ee amni sugidda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM