Ciidamo hubeysan oo laga mamnuucay in ay galaan Stadium Muqdisho

Image
Talaabadan ayaa loo qaadey "si loo ilaaliyo badqabka Kumanaanka Tageerayaasha Kooxaha ee garoonka tagaya".

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa Garoonka Stadium Muqdisho ka mamnuucday in Ciidamo hubeysan ay gudaha u galaan.

Warka qoraalkan oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxaa lagu caddeeyay in talaabtan loo qaadey si loo ilaaliyo badqabka Kumanaanka Tageerayaasha Kooxaha ee garoonka tagaya.

HOOS KA AKHRISO NUXURKA BAYAANKA

1- Waxaa gudaha garoonka laga mamnuucay ilaalada hubka wadata ee faraha badan oo abuuray caqabado xagga ammaanka ah.

2- Waxay wasaaraddu diyaarisay ciidamo ammaan oo ku filan ilaalinta masuuliyiinta garoonka imaanaysa. 

3-Ciidanka iyo hubka waxaa lagu soo reebayaa goobo loo cayimay oo ku yaala afaafka hore ee garoonka.

4- Waxaa Amaanka Garoonka Iyo Nawaaxigiisa Masuul ka ah , Hay’adaha Amniga Ee Gobolka Banaadir . 

5-Sidoo kale Wasaaraddu, waxa ay u fududayneysaa Taageerayaasha tikidhada garoonka in laga heli karo dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir. 

"Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay bogaadinaysaa hay’adaha amaanka ee shaqada adag haya iyo shacabka jecel isboortiga," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM