Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Taliska guud ee ciidanka difaaca Puntland ayaa shaaca ka qaaday in hawlgallo xoogan ay maanta ka socdaan inta u dhexaysa deegaamada Qurac iyo Dharin ee buuraleeyda Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayaan xubno katirsan kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay si guul leh ula wareegeen saldhigyo muhiim ah, iyagoo sidoo kale ku diley dhagarqabayaal ajaaniib ah. "Ciidanku waxay maanta hawlgal ka wadaan inta u dhexaysa Qurac iyo Dharin iyo deegaannada ku harareysan Togjaceel. Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

Dhanka kale, maamulka degmada Qandala ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen deegaanka Qurac, oo saldhig muhiim ah u ahaa kooxaha nabaddiidka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay taageero siiso Puntland dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, iyadoo aysan muujin taageero rasmi ah ama ciidamo si toos ah uga qeybqaata howlgallada socda.

Taas beddelkeeda, dowladda Federaalka ayaa hoos u dhigtay guulaha ay ciidanka Puntland ka gaareen dagaalka, iyadoo qoraallada ay soo saarto ka ilaaliso inay ku xusto dadaallada ay wado dowladda Puntland.

Arrintani waxay muujineysaa in dowladda Federaalka ay siyaasadeynayso dagaalka Daacish xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Puntland iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM