Ciidanka Jubaland oo Gaarey Duleedka Beled-xaawo xilli Xiisadda soo Cusboonaatay

Image

Beled-Xaawo, Ogoosto 7 – Boqolaal askari oo katirsan ciidanka Jubbaland oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta gaaray duleedka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya.

Imaanshaha ciidankaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisad siyaasadeed iyo mid militari ay ka taagan tahay gobolka Gedo, gaar ahaan Beled-xaawo oo muddooyinkii dambe ay ka jireen isku dhacyo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa yimid kadib markii dhawaan dowladda Itoobiya ay muddo saddex cisho ah siisay ciidanka dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, si ay uga baxaan magaalada Beled-xaawo islamarkaana ay magaaladaasi ugu wareejiyaan ciidanka Jubbaland.

Arrintan ayaa dhalisay walaac laga qabo dagaal hor leh oo ka dhex qarxa labada ciidan, iyadoo aysan jirin ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ama Jubbaland oo si rasmi ah uga hadlaya xaaladda taagan.

Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan marka ay timaado loolanka siyaasadeed iyo mid ciidan ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM