Ciidanka Jubaland oo Gaarey Duleedka Beled-xaawo xilli Xiisadda soo Cusboonaatay

Image

Beled-Xaawo, Ogoosto 7 – Boqolaal askari oo katirsan ciidanka Jubbaland oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta gaaray duleedka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya.

Imaanshaha ciidankaan ayaa kusoo beegmaya iyadoo xiisad siyaasadeed iyo mid militari ay ka taagan tahay gobolka Gedo, gaar ahaan Beled-xaawo oo muddooyinkii dambe ay ka jireen isku dhacyo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ayaa yimid kadib markii dhawaan dowladda Itoobiya ay muddo saddex cisho ah siisay ciidanka dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, si ay uga baxaan magaalada Beled-xaawo islamarkaana ay magaaladaasi ugu wareejiyaan ciidanka Jubbaland.

Arrintan ayaa dhalisay walaac laga qabo dagaal hor leh oo ka dhex qarxa labada ciidan, iyadoo aysan jirin ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ama Jubbaland oo si rasmi ah uga hadlaya xaaladda taagan.

Gobolka Gedo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa mid ka mid ah meelaha ugu xasaasisan marka ay timaado loolanka siyaasadeed iyo mid ciidan ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM oo la wareegay degmada istaraatiijiga ah ee Awdheegle

La wareegidda Awdheegle waxay calaamad muhiim ah u tahay wejiga socda ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-10-2025

  • 12:42PM

Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Barakicinta Muqdisho: “Tani Waa Dhisid, Maaha Dhul Bixis”

Barnaamijka dowladda ee barakicinta dadka ka deganaa dhulka la sheegay inuu yahay hantida guud.

  • Soomaliya

    04-10-2025

  • 09:00AM