Ciidanka Soomaaliya oo ka qeyb galaya dhoola tuska ciidan ee ugu horeeya ee dalka dibadiisa ah

Image
Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan.

Muqdisho, Soomaaliya - Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhoolatus ciidan uga qeyb-galaya dalka dibadiisa ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhoolatuskan oo ka dhacaya dalka Kenya ayaa waxaa qeyb ka ah dowlado kala duwan, waxaana Xoogga Dalka wakiil uga ah cutubyo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibrahim Sheikh Muxuyidiin ayaa kala dardaarmay Ciidamada ka qeyb galaya carbiska in ay tusaale u noqdaan sharafta iyo karaamada Qaranka iyo Ciidanka Soomaaliyeed.

Taliyaha xoogga dalka ayaa xusay guulihii ay ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ka gaareen dagaalladii 1977-kii, isagoo ugu baaqay ciidamada inay ku daydaan.

“Waxa la iska rabo markaa halkaas tagtaan waa adkeysi, dulqaad, iyo Akhlaaq, iyo inaa la dhihin ciidamada Soomaaliya ma helin tababar ku filan”. Ayuu raaciyay Taliyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM