Cirro oo ka hadlay booqashadda Xamse ee Laascaanood

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul u cambaareeyay safarka uu Ra''isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagey shalay magaaladda Laascaanood, taasoo uu sheegay inay xad-gudub ku tahay maamulkiisa.

“Safarka Mas'uuliyad daraddu ka muuqaato ee Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ku yimid qaybo kamid ah Somaliland, wixii khasaare ah ee ka yimaadda waxaa qaadi doonta ciddii soo dirtay",  ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Somaliand ayaa laga saarey Laascaanood horaantii 2023, kadib dagaal dhiig ku daatay, waxaana laga dhisay magaaladda SSC-Khaatumo oo Madaxweyne ka noqday Firdhiye, iyadoo hadda Xamse ku casuumey shirka bisha May ka dhacay Muqdisho ee u dhaxeeyay Maamullada qaar iyo dowladda Federaalka.

Cirro wuxuu xusay in Somaliland dhawaan heli doonto Aqoonsi, isagoo safar u ah Mareykanka oo uu rabo inuu u iib-geeyay saldhiga Berbera, oo Somaliland rabta inay Washingon ku qanciso inay saldhig militeri ka sameysato kadibna aqoonsi ugu bedesho.

Heshiiska noocaas ah Muuse Biixii ayaa sanad hore la galay Abiy Axmed, oo uu sheegay inay Itoobiya ku aqoonsanayso Somaliland, balse ma aysan dhicin, maadaama ay ka timid diidmo dhanka dowladda Soomaaliya iyo cambaareyn caalami ah.

Mudo 34 sano ayay Somaliland baadi-goobaysaa aqoonsi/ictiraaf, mana jirto hal dal oo aqoonsaday, waxaana dunida ula macaamishaa inay tahay gobolka kamid ah dalka Soomaaliya, oo ka jirto dowladda rasmi ah, oo shaqeynaysa tan iyo 2012 markii laga baxay marxaladii Kumeelgaarka ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM