Cirro oo ka hadlay booqashadda Xamse ee Laascaanood

Image

HARGEYSA, Soomaaliya - Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul u cambaareeyay safarka uu Ra''isul Wasaaraha Soomaaliya ku tagey shalay magaaladda Laascaanood, taasoo uu sheegay inay xad-gudub ku tahay maamulkiisa.

“Safarka Mas'uuliyad daraddu ka muuqaato ee Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ku yimid qaybo kamid ah Somaliland, wixii khasaare ah ee ka yimaadda waxaa qaadi doonta ciddii soo dirtay",  ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Somaliand ayaa laga saarey Laascaanood horaantii 2023, kadib dagaal dhiig ku daatay, waxaana laga dhisay magaaladda SSC-Khaatumo oo Madaxweyne ka noqday Firdhiye, iyadoo hadda Xamse ku casuumey shirka bisha May ka dhacay Muqdisho ee u dhaxeeyay Maamullada qaar iyo dowladda Federaalka.

Cirro wuxuu xusay in Somaliland dhawaan heli doonto Aqoonsi, isagoo safar u ah Mareykanka oo uu rabo inuu u iib-geeyay saldhiga Berbera, oo Somaliland rabta inay Washingon ku qanciso inay saldhig militeri ka sameysato kadibna aqoonsi ugu bedesho.

Heshiiska noocaas ah Muuse Biixii ayaa sanad hore la galay Abiy Axmed, oo uu sheegay inay Itoobiya ku aqoonsanayso Somaliland, balse ma aysan dhicin, maadaama ay ka timid diidmo dhanka dowladda Soomaaliya iyo cambaareyn caalami ah.

Mudo 34 sano ayay Somaliland baadi-goobaysaa aqoonsi/ictiraaf, mana jirto hal dal oo aqoonsaday, waxaana dunida ula macaamishaa inay tahay gobolka kamid ah dalka Soomaaliya, oo ka jirto dowladda rasmi ah, oo shaqeynaysa tan iyo 2012 markii laga baxay marxaladii Kumeelgaarka ahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM