Cirro oo Ka Hadlay Dagaalka Dacawaley

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dagaalkii khasaaraha badan dhaliyey ee ka dhacay deegaanka Dacawaley ee hoos yimaada degmada Xarshin, gobolka Faafan, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Cirro ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Itoobiya, Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo Somaliland ay si dhow uga wada shaqeynayaan sidii loo joojin lahaa dagaalkaas iyo sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda.

Dhinaca kale, waxaa kulmay saraakiil ka tirsan Somaliland iyo Itoobiya, iyagoo isla gartay in ciidammada ku dagaallamay deegaankaas la kala qaado, lana dhexdhigo ciidamo Itoobiyaan ah oo nabad ilaalin ah.

Dagaalka oo ka bilowday deegaanka Dacawaley subaxnimadii Arbacada, 25-ka Diseembar 2024, ayaa dhexmaray ciidamada ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo dad shacab ah oo hubeysan.

Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in dagaalku uu billowday kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen masuuliyiin iyo ciidamo boolis ah oo deegaanka u joogay xalinta khilaafaad halkaas ka jiray, taasoo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya deegaanka Dacawaley inay nabadda qaataan, wuxuuna xusay in wadajirka iyo wada shaqeynta ay muhiim u yihiin xasiloonida gobolka.

Sidoo kale, wuxuu ballan qaaday in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay inay ka shaqeyso nabadeynta iyo horumarinta deegaannada ay colaadu saameysay, isagoo ku booriyey shacabka inay taageeraan dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM