Cumar Cartan oo dhexdhaxaadin doona kulanka derbiga ah ee Guinea iyo Equatorial Guinea

Image
Garsoore Cumar ayaa sanadkii 2018-kii loo doortay Garsoore caalami ah.

Muqdisho, Soomaaliya - Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa caawa ka soo muuqan doona kulankii shanaad Tartanka Kubadda Cagta Koobka Qaramada Qaarada Afrika ee AFCON 2023.

Garsooraha ayaa caawa noqon doona garsooraha dhexe ee kulanka derbiga ah ee u dhexeeya xulalka dalalka Guinea iyo Equatorial Guinea.

Kulan ciyaareedka ayaa dhici doona caawa 8:00 Fiidnimo saacadda geeska Afrika, xulka ku guuleysta kulankan ayaa wajihi doona xulka ka soo baxa ciyaarta Masar iyo DRC.

Garsooraha Soomaaliya ayaa maalmahan la hadal hayay, waxaana la isla dhex marayay sawirkiisa isaga oo gacanta qoorta uga haya weeraryahanka Algeria Youcef Belaili.

Garsoore Cumar ayaa bishii Diseembar sanadkii 2018-kii ku soo baxay liiska garsoorayaal loo doortay heer caalami ah.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM