Daacish oo sheegatay qarax miino ka dhacay duleedka Muqdisho

Image
Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Daacish ayaa dusha saaratay qarax miino oo la dhacay duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan bar kontarool oo ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

War qoraal ah oo ISIL-Somalia ay ku daabacdey ciwaanka ay ku leedahay internet-ka ayaa lagu caddeeyay in kooxda ay weerarkaas ku dishay ugu yaraan labo askari.

War-saxaafadedka ayaa intaas ku daray in afar askari kale ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo dhacay gelinka hore ee maalintii Talaadada, sidda ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan qaraxan oo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay soo saareen illaa hadda. Isku-dayo xiriir oo lala sameeyay ayaysan uga jawaabin waqtigii laga dalbaday.

Sikastaba ha ahaatee, Daacish ayaa si dhuumaaleysi ah waxa ay uga howlgashaa gudaha Muqdisho maadaama ay is-bartilmaameedsadaan maleyshiyaadka Al-Shabaab oo horey guluf ka dhan ah ISIL-Somalia si rasmi ah u iclaamisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM